1 min read

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyarro Muddo ku xirnaa Liibiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celiday dhalinyarro in muddo ah ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya, kuwaasi ku tagey qaab tahriib ah.

14 dhalinayaro Soomaaliyeed ah oo shalay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya soo ambabixisay ayaa saakay soo gaaray garoonka Aaden Cabdulle ee Muqdisho.

Dhalinyaradaan oo muddo badan Magafe ugu xernaa dalka Liibya ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee DS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.