1 min read

Galalka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Oo Lagu Wareejiyay Wasiir Fiqi.

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa galalka gargaarka iyo meereynta Musiibooyinka ku wareejiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Gaani ayaa sheegay ujeedka loogu wareejiyey galalka gargaarka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay tahay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka abaaraha oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso.