1 min read

Dowladda Soomaaliya oo raadineysa qaab ay ku xirto maxkamadaha qarsoodiga ah ee Al-Shabaab.

MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan shaacisay in ay qorsheyneyso in ay la dagaallanto maxkamado ku-sheegga ay maamulaan kooxda maleeshiyada ah ee Al-Shabaab, iyada oo Wasiirka arrimaha gudaha uu qiray in dad badan oo Soomaali ah ay caddaalad u raadsadaan maleeshiyadan, maadaama nidaamka sharci ee Soomaaliya uu yahay mid daciif ah.

Laakiin khubarada ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xiritaanka maxkamadahan aysan noqon doonin hawl fudud.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay todobaadkaan inay dowladdu qorsheyneyso inay dagaal la gasho maxkamad ku-sheegga qarsoodiga ah ee Al-Shabaab ay ka maamusho, kuwaas oo ku yaal magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan dad u taga Maxkamadaha kooxda argagixisada ah ah ee Al-Shabaab si ay u helaan Caddaalad, maadaama aysan fulin go’aannada Maxkamadaha Dowladda, waxaana uu sheegay inay xiri doono kuwa ku yaalla hareeraha magaalada Muqdisho oo ay ku jirto midda Basra iyo duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Cumar Maxamuud oo ah falanqeeyaha sare ee Bariga Afrika iyo cilmi-baare ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ayaa VOA-da u sheegay in Al-shabaab ay maal-galiyeen waaxdooda cadaaladda, isla markaana waxyaabaha ugu horreeya ee ay diiradda saaraan ay yihiin murannada dhulka iyo qandaraasyada.

Cabdirisaaq Aadan oo ah agaasimaha fulinta ee Farsight Africa Research & Policy Studies ayaa sheegay in rabitaanka dowladda ee ah in la xiro maxkamadaha Al-Shabaab ay tahay wax lagu ammaano.

Waxa uu sheegay in sida ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo Maxkamadaha Al-Shabaab ay tahay in la helo nidaam garsoor oo firfircoon oo u shaqeeya shacabka, isla markaana abuura jawi saaxiibtinimo oo dhexmara dadka caddaalada u raadsada.

Cabdirisaaq Aadan ayaa intaas ku daray in wax laga xumaado ay tahay in qof kasta oo u maleeya in dacwad maxkamadeed si caddaalad darro ah loogaga guuleystay inuu tago Maxkamadaha Al-Shabaab.