1 min read

RW Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi.

Innaa Lillaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun!

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Barre ayaa ka tacsiyey geerida ku timid Allaha unaxariiste Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

“Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Maanta waxaa ummadda Soomaaliyeed ka baxay, Haldoor, Aqoonyahan — mid ka mid ah labeenta aqoonta durugsan u lahaa Suugaanta, Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga.

Waxaan murugada iyo xannuunka la qeybsanayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.”