1 min read

Abwaan Hadraawi oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyada iskeed ugu dhaaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Abwaanka ayaa dhowaanahan xanuunsayay.

Abwaanka oo laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, oo sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya burburkii dowladda kaddib. Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya. taariikhdiisa iyo dhacdooyinka lagu xusuusto noloshiisa ayaan halkan dhowaan idinkula wadaagi doonnaa.

Dhanka kale maamulka iyo qorayaasha websetka Somaliweyn waxay tacsi u dirayaan Ehalada iyo Qaraabadii uu katagay Abwaan Hadraawi dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan leenahay samir iyo iimaam Alle ha naga siiyo Aamiin.