1 min read

Fannaan u geeriyooday kansar isagoo 27 jir ah.

Fannan si weyn looga garanayay qaaradda Africa una dhashay dalka Rwanda ayaa u geriyooday cudurka kansarka oo haleelay sida uu BBC-da u sheegay maamulihiisa fanka.

Yvan Buravan oo uu ku dhacay kansarka uur ku jirta ayaa dhowaanahan xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay dalka Hindiya.

Inta aan Hindiya loo gudbin ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayay dalalka Rwanda iyo Kenya.

Buravan ayaa fanka soo galay isaga oo 14 jir ah iyadoo heestiisii ugu horreysay sanadkii 2016 ay ruxday dalka Rwanda.

“Si lama filaan ah ayuu u baxay isagoo ka tagay waxyaabo badan oo uusan weli dhameyn, laakiin wuxuu nooga tagay farshaxanno cajiib ah oo uu sameeyay. Dhaxalkiisa wuu sii jiri doonaa,” maamulihiisa Bruce Intore Twagira ayaa u sheegay BBC.

Taagerayaashiisa reer Rwanda ayaa si weyn uga murugooday geeridiisa waxa ayna baroordiiq ku faafinayaan baraha bulshada,