1 min read

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano hoos yimaada G/Hiiraan.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo maalmahan howlgalo ka waday Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaano hor leh, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi oo Hogaaminaya hawlgal guud ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Ceel-Heley, Nuur Fanax, Beerxano ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobaha qaar ay Ciidanka Xoogga la kulmayeen dagaal uga imaanaya Al-shabaab, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in dhankooda ay dileen 17 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Dhanka kale ma jiraan warar madax bannaan oo laga helayo deegaannada ay Ciidanka Xoogga oo ay wehliyaan Maamulka Gobolka Hiiraan ka wadaan deegaannada ka tirsan Hiiraan.