1 min read

Mas’uuliyiinta oo u xaqiijiyey shacabka Kenya in dalku ammaan yahay.

Laamaha ammaanka ugu sarreeya ee Kenya, ayaa u xaqiijiyay muwaadiniinta in dalku ammaan yahay, iyadoo cabsi laga qabay inay dhacaan rabshado la xiriira oorashada.

Mas’uuliyiinta ayaa dadka Keenyaanka ah ka codsaday inay dib u bilaabaan howlahooda ganacsi, iyadoo la siiyey mudnaanta koowaad amniga.

Walaac iyo walwal ayaa ku baahday dalka Kenya oo idil, kadib qalalaasihii ka dhashay ku dhawaaqista natiijadii madaxtinimo ee Isniintii.

Guddiga ka talo bixinta amniga qaranka ee dalka Kenya, ayaa qaaday tallaabooyin, si ay u xaqiijiyaan inaaney dib dambe u dhici doonin cabsidii laga qaaday rabshado ka dhashay khilaafkii ka dhashay ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtooyada.

Kooxda ayaa sheegtay in xaaladda amni ee dalka ay tahay mid la isku halleyn karo, kadib markii ay qiimeyn bilow ah ku sameeyeen subaxnimadii Talaadada oo maanta ah ammaanka guud, mas’uuliyiintuna ay qaadeen tallaabooyin lagu hubinayo in dalka uu nabad yahay.

Rabshado ayaa laga soo warinayaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya, kadib markii dibadbaxayaal ay kasoo horjeesteen xaqiijinta in, William Ruto, uu ku guuleystay doorashadii 9-kii bishan Ogosto ee sanadkan 2022-ka ka dhacday dalka Kenya.

Doorashooyinkii hore ee madaxtinimo ee lagu tartamay, ayaa waxaa ka dhashay rabshado galaaftay nolosha dad badan iyo burbur hantiyeed.