1 min read

Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Mukhtaar Roobow oo ka hadlay magacaabistiisa.

Wasiirka cusub ee diinta iyo owqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa uga mahadceliyay madaxda qaranka in ay xukuumadda ku soo dareen xilli sida uu sheegay ay jireen dad arrintaa ka soo horjeeday. Khudbad kooban oo uu jeediyay ayuu ku sheegay in markii laga soo xirayay magaalada Baydhabo,

wixii ka dhacay halkaa si guud la isaga cafiyo isla markaana gogol nabadeed la dhigo. Wuxuu sheegay in xabsiga uu ku jiray uu dhib badanyahay isaga oo dowladda uu k atirsanyahayna ugu baaqay inay ka war qabto dadka xabsiga ku jira.

Wasiir Roobow ayaa intaa raaciyay in qaab afduub ahaan ah uu ugu jiray xabsiga isla markaana la dulmiyay waa sida uu hadalka u yiri.

Mukhtaar Roobow ayaa horey uga tirsanaa hoggaamiyaasha sarsatre ee Al-shabaab.