1 min read

Sweden oo balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasma Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska koowaad ee Xukuumadda.

Danjiraha ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo uu Danjire Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, oo 7 Augusta 2022 Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya meel mariyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo  qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo bandhigayay Tiirarka ay xukuumaddiisa ku shaqeeyn doonta oo ay ka mid yihiin; dib u xoraynta iyo sugidda Amniga, Cadaalad iyo Garsoor madax banaan, isku filnaasho dhaqaale iyo horumarinta arrimaha Bulshada, ayaa looga fadhiyaa hirgalintooda.