23 Apr, 2024
1 min read

Sweden oo balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasma Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska koowaad ee […]

1 min read

MadaxWeyne Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hogaaminaayay oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan kala la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne […]

1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal.

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa ka socda magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda. Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, […]

1 min read

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

MUQDISHO — Militariga Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd shaaciyey in saddex weerar oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen afar ka mid ah dagaalyahannada ururka Al-Shabaab. Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqeymahaasi ay Talaadadii lasoo dhaafay […]

1 min read

RW Xamza oo amar kusoo rogay wasiirada cusub.

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray amar xaddidaya in wasiirada cusub ee xukuumaddiisa ay isbeddelo ku sameeyaan ama shaqada ka eryaan saraakiisha darajooyinka sare ee dowladda. W“Dhammaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda, waa inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu Xamza ku yiri qoraalka. […]