1 min read

Xildhibaaankii Kenya ee qof toogasho ku dilay oo wali lagu daba jiro.

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee Kenya ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro xildhibaan Didimus Barasa oo lagu eedeeyay in uu toogasho ku dilay kaaliyihiisa doorashada guud ee sanadkan.

Xildhibaanka deegaanka Kimilili ayaa la la’aa tan iyo markii ay dhacday toogashada maalintii codbixinta ee galbeedka magaalada Bungoma.

Booliiska ayaa falkaasi kadib bilaabay baadi goobka ay ugu jiraan Mr Barasa.

Codbixinta ayaa si nabad ah dalka oo dhan uga dhacday balse waxaa jiray ugu yaraan saddex shil oo hub la isku adeegsaday oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin, kuwaasi oo dhacay shalay intii lagu guda jiray codeynta.

Ciidamada ayaa si kala gaar gaar ah u baaraya Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.

Horaantii Isniintii, nin ayaa lagu toogtay magaalada Eldoret dhacdo kale oo uu ku lug lahaa ganacsade caan ah oo u tartamaya kursiga guddoomiyeyaasha ee doorashooyinkan.