1 min read

Iska jir Faraatiga

.Faraatiga Dadka Arooska ihi ey Farta isku galiyaan, Asal ahaan sida Buugaagta Taariikhdu qoree waxa uu ka soo jeedaa Masaaridii hore ee Faraacinnadda oo aaminsanaa in uu jiro Xidid Jaceyl oo Fartaa ka soo bilaawdo kuna dhamaado Wadnaha. Kadibna waxaa dhaqankaa qaatay Giriigii iyi Romaankii hore.Faraatiga Boos celiska Guurka ” Engagement Ring” iyo Faraatiga Meherka ” Wedding Ring” Labadaba waxaa la galiyaa Farta Afraad ee Bidixda. ( F.S: 1 & 2aad).

Waxaa jirto in Muddo Arooska kadib Farta Midig la isku galiyaa, taana dhaqan ahaan Reer Galbeedku waxa ey u isticmaalaan Cusbooneysiinta ama Sanad Guuraagii Arooska in lagu xasuusto.

Waxaa kale oo jiro, Wadamo Dhaqan ahaan marka horeba Galiyo Farta Midig waxaa ka mid ah wadamadda: Hindiya, Garmalka, Spain, Norway iyo Ruushka.

Wakhtiyadaan Dambe waxaa soo baxay Qolada Qoomu Luudka oo Haaddii Laba Rag ah ama Laba Dumar ah ey is guursanayaa in ey Midigta isku galiyaan Faraatiga.

Hadda Dadkii waaweynaa iska dhaafe Caruurtii ayaa Gasac yar ku dhax ridaa Faraati “Fiilo ferro” ama Caag ka sameysan, oo Gabar Sideed jir ah ku leh iga gudoon Faraatiga jaceylka. Caruurta ayaan lagu marin habaabin dhaqanka Gaaladda in ey uga Daysadaan Dadka waaweyn.( F.S: 3 & 4aad)

FG: Xaaskaaga Faraatiyaal badan oo Dahab ah iyo wax qaaali ah sii, Laakin haddii aad ku aadiso munaasabadda Gaarka, waxaad Raacday Dhaqankaa Gaaladda. Waxaa nala faray in Gaalada aan ku khilaafno dhaqanada xun xun.
Waa iga Aqoon wadaag iyo Talo.
Mahadsanid

Qore: Yahya Amir