1 min read

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in kooxo mintidiin ah ay ka xoraysay in ka badan kun tuulo.

Dowladda Itoobiya ayaa dib ula wareegtay 1,255 tuulo oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan gobolka Oromada, waxaana ay dib u dhistay dhismayaal dowladeed oo burburay.

Golaha Amniga Qaranka ayaa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay in bilihii la soo dhaafay la qaaday tallaabooyin adag oo lagu soo celinayo amniga iyo dardargelinta dhaq dhaqaaqa dhaqaale.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3,180 dagaalyahan lagu xiray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka ‘Shanee’ ee dowladda.