1 min read

Mareykanka oo soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirada Somaliya.

MUQDISHO — Mareykanka ayaa soo dhaweeyay anixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, waxaana safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay hambalyo ku aaddan ansixinta Golaha Wasiiradda u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre anixinta golaha wasiirada. Mareykanku waxa uu aad u danaynayaa inuu sii wadno ka qaybgalkayaga taageerida soo noolaynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo lagu daabacay Twitter-ka safaaradda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor hore oo maanta ah ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, kadib kulankii Golaha Shacabka, iyada oo 229 xildhibaan ay kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub.

Toddoba xubnood ayaa diiday golaha, halka hal mudane uu ka aamusay.

Codbixintan ayaa ka dhigan in golaha cusub ee wasiirradu ay xilkooda la wareegaan isla markaana gudagalaan howsha loo igmaday.