1 min read

Buuq hareeyey ansixinta Xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Bare.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada soo xaadirtay baarlamaanka, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaan ayaa ka aamusay cod qaadista.

Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe.

Baarlamaanka, ayaa xiligii la ansixinayey xukuumada, waxaa ka jiray buuq.

Buuqa dhacay xiligii ansixinta, ayaa aheyd in xildhibaanada qaarkood ee baarlamaanka Soomaaliya iney keeneen mooshin, taasoo ah in xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamse Cabdi uu ka dhacay xiligii cod loo qaadi lahaa.

Ugu danbeyntii Guddoonka baarlamaanka, ayaa guda galay cod u qaadista xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse, iyadoo ay ka biyo diideen xildhibaanadii mooshinka waday.

Wasiirada ayaa golaha baarlamaanka waxaa ku dhex dhaariyey guddoomiyaha maxkamdda sare ee dalka Soomaaliya.