5 mins read

Guul darro Siyaasadeed oo Jamaal Cali Xusen, kaga dhacday Ururrada Barwaaqo iyo Waaberi

Tan iyo  markii uu Jamaal Cali Xusen, lugaha la soo galay siyaasada Somaliland, waxa maalin walba soo waajahayay turun turooyin siyaasadeed oo uu ku kufay, isbedelada iyo gadgadoonka ay leedahay siyaasada Somaliland waxay keentay in uu ku dawakho Jamaal Cali Xusen, isla markaana waxay ku keentay fashil ku yimaada hankiisii uu ku rabay in uu ku biiro Siyaasada Gudaha ee Dalka.

Taageerayaal badan oo markii hore niyad u hayay Jamaal Cali Xusen in uu saaxada siyaasada yimaado ayaa niyad jab iyo rajo la`aan ka qaaday, fashilka siyaasadeed ee uu sameeyay Jamaal Cali Xusen

Lama tirin karo inta guul daro ee uu sameeyay, mudooyinkii kala duwanaa ee uu saaxada siyaasada ka muuqday, kuwaas oo u galay diwaanka siyaasada iyada oo shacabkuna markhaati ka yahay. Fashilka siyaasadeed ee uu sameeyay Jamaal Cali Xusen, waa kuwo ugu jira rikoodhka mustaqbalkiisa dambe

Ma jirto aragti dheer oo uu u dhigtay guul darooyinka siyaasadeed ee uu sameeyay,waana wax aan u baahnayn markhaati balse la hayo iyada oo duuban oo  maqal iyo muuqaalba leh, qaarkoodna la odhan karo waa qaar uu u sameeyay si badheedha oo aan ka gabasho lahayn, waana sababta keentay in shacabka Somaliland ay ka dagaan gaadhigii uu darawalka ka ahaa.

Bilowgii markii uu cagta la helay salaankii Xisbigii UDUB, waxa uu la kowsaday fashil siyaasadeed oo uu sameeyay kuwaas oo markii dambe keenay in guul daro weyn oo siyaasadeed ku yimaado hanaankii siyaasadeed ee xisbiggii UDUB, khilaaf hore leh,iyo ficiltan salka ku haya kooxaysi,qabiilaysi iyo kala riixasho mansab. Ayaa ragaadiyay Xisbigii Udub, fashilkaas oo uu Jamaal Cali Xusen sabab u ahaa, aakhirkiina keenay in uu hadho xisbigii UDUB,

Fashilkii siyaasadeed uu sameeyay Jamaal Cali Xusen, muu noqon mid cashar iyo waayo aragnimo siyaasadeed u kordhisa balse wuxu mar kale qaaday wado qaldan oo aan ka fiirsasho lahayn isla markaana aanu wax talo ah ka weydiin, siyaasiyiintii isaga la socday ee UDUB, ee isaga taageersanaa waxanu habeen madow u galay Xisbiga Ucid oo markaa ay siyaasiyiin badani ka dareereen, waxanu mar kale sawirtay in uu halkaas galo oo uu ka qaato musharax, taasina waxay keentay in ay ka hadhaan siyaasiyiin badan oo ka tirsanaa Xisbiga UDUB oo isaga taageersanaa, 

Markii uu dalaq soo yidhi xisbiga Ucid markiiba waxa bilaabmay khilaaf siyaasadeed oo uu isagu u sabab ahaa, dhowr jeer oo la isku dayay in la heshiisiiyo Jamaal Cali Xusen iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa noqday mid loo maaro waayay, ka dib markii hogaankii sare ee xisbiga Ucid u arkeen in Jamaal yahay siyaasi fashilmay oo aan wadi Karin siyaasada guud ee Xisbiga Ucid, markii dambena waxa uu Jamaal Cali Xusen ku dambeeyay in daaqada laga saaro, iyada oo loo adeegssaday Xeerka Xisbiga Ucid oo uu ilduufay, markii uu ku biiray Xisbiga Ucid, heshiiskii ay qolka madow ku galeen Jamaal Cali Xusen iyo Faysal Cali waraabe, ayaa dhigaayay in qodobada heshiiska lagu ansixiyo shirweyne uu yeesho xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xusen ma samayn in uu heshiiska ansax ka dhigo oo uu qabto shirweyne uu qodobada heshiiska lagu meel mariyo, waana fashilka iyo guul darooyinka uu sameeyay Jamaal Cali Xusen, waana waxyaabaha bulshada u xaqiijiyay in uu yahay shaqsi lagu hungoobay oo aan noqon sidii ay ka filaayeen.

Markaa 2aad ma noqon mid Jamaal Cali Xusen u ka faa`iido waayo aragnimo siyaasadeed, balse wali wuxu ku sii taagnaa wadadii qodxaha lahayd ee u horseeday fashilka siyaasadeed, waxa mar kale qaaday wado qaldan oo aanu mahadin, waxanu ku biiray Xisbiga Kulmiye, isaga oo hankiisii ku bedeshay Baloodh iyo shilimaad lacag ah, waxanu saxaafada iyo bulshada horteeda kaga tiraabay hadal soo afjaray fashilkiisii siyaasadeed, taas oo noqotay mid ugu jirta diiwaanka Siyaasada, waana Hadal ay qaadan waayeen shacabka Somaliland, hadalkaas oo qabiil salka ku haya` Anaga Muuse Biixi ayuu Geellu isugu kaaya jiraa` hadalkaas oo maanta bulshada Somaliland xasuusan yihiin.

Markii uu Muuse Biixi noqday Madaxweynaha Somaliland, Jamaal Cali Xusen waxa laga xidhay albaabka maadama oo aanay jirin heshiis uu la galay Xisbiga Kulmiye, farta ayuu dhexda ka qaniinay Jamaall Cali Xusen, ilaa hada ma jirto waayo aragnimo siyaasadeed oo uu ka helay fashilka iyo guuldarada siyaasadeed ee uu sameeyay Jamaal Cali Xusen Mudadii koobnayd ee uu siyaasada ku jiray.

Fashilka siyaasadeed ee mar kale ku dhacay, Jamaal Cali Xusen waxay muujinaysaa in uu si toosa uga siibtay salaanka siyaasada ee Somaliland, ka dib markii uu ku hungoobay in uu ka mid noqdo hogaanka ururada siyaasada ee Barwaaqo iyo Waaberi, kuwaas oo diiday in uu ka mid noqdo, maadama oo uu yahay siyaasi fashilmay mudadii koobnayd ee uu ku jiray siyaasada dalka.

Talaabada maanta ay ku diideen Jamaal Cali Xusen, ururada Barwaaqo iyo Waaberi waxay noqonaysaa gebogebadii uu daaqada kaga baxay damaciisii fashilka ahaa ee uu rabay in uu siyaasada dalka ku soo galo

Siyaasiga ay leeyihiin jufada hoose ee uu ka soo jeedo Jamaal Cali Xusen, ayaa waqti xaadirkan ah Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, oo ay si weyn u taageersan yihiin dhamaan bulshadu, waxana muuqata in albaabka siyaasadu ka xidhan yahay Jamaal Cali Xusen,maadama oo uu Cabdishakuur Cidin meesha joogo, isla markaana magaalada Berbera uu hogaaminaayo

W/Q. Aadan Maxamed Cali
Berbera