1 min read

DIGNIIN: Maraykanka oo Afrika uga digay inaysan Ruushka ka iibsan wax aan ahayn Badar iyo Bacrimiye.

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa booqatay dhowr dal oo Afrika ku yaalla, iyadoo uga digtay dalalka Afrika inaysan Ruushka waxba ka iibsan marka laga reebo badar iyo bacrimiyeyaal, iyadoo ku hanjabtay inay cunaqabateyn la kulmi doonaan haddii ay sidaa sameeyaan.

Waxay sheegtay in Ruushku uu qiimaha sare ee raashiinka ee adduunka u aaneeyay cunaqabateynta la saaray, balse uu Ruushku xor u yahay dhoofinta waxyaabaha beeraha loo isticmaalo isla markaana ay dadaka kale ka iibsan karaan.

Waxay intaas ku dartay in waxyaabaha cunaqabateynta saaran ee aan Ruushka laga iibsan karin uu ka mid yahay shidaalka.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa door bidaya inay dhexdhexaad ka ahaadaan dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Sababta ayaa lagu tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo kuwa Galbeed oo intooda badan soo gumeystay Afrika, iyo isla mar ahaantaana hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah oo Ruushka wax ku soo bartay oo aan dooneyn inay ku lug yeeshaan dagaalka dalkaas ka dhanka ah.