2 mins read

Arsenal oo Guul ku furatay Xilli Ciyaareedkan Premeir leageu, iyadoo Crystal Palace Garaacay.

Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka premier League kulan ka dhacay garoonka Selhurst Park.

Gunners ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool wakhti hore ah oo ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo u awood sheegtay Crystal Palace kuwaas oo oo difaac ku jiray oo aan wax weerar ah ku qaadayn Arsenal.

Wiilasha Mikel Arteta ayaa samaynayay fursado kala duwan iyaga oo riixayay in ay dhaliyaan goolka furitaanka ee xilli ciyaareedkooda premier League.

Daqiiqadii 20-aad ayay Arsenal hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Gabriel Martinelli dhaliyay goolka furitaanka ee kooxdiisa hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Arsenal ayaa difaac gashay iyaga oo Palace u daayay in ay kubada haystaan waxana ay ciyaarayeen weeraro rogaal celis ah.

Crystal Palace ayaa heshay fursado fiican oo ay ku dhalin karto goolka bar-baraha laakiin Goolhayaha Arsenal ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso Natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaan kana fiicnayd kooxda Crystal Palace.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal si ka duwan sidii qaybtii hore ku soo gashay ciyaarta iyaga oo kaliya difaac ku jiray una ogolaaday Palace in ay maamulaan ciyaarta.

Sidoo kale Arsenal aya ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen kooxda Crystal Palace kuwaas oo raadinayay goolka bar-baraha.

Palace ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee qaybta dambe ku dhawaaday in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Goolhayaha Arsenal ayaa sameeyay bad- baadino waali ah.

Kooxda Crystal Palace ayaa sii waday raadinta fursadaha iyaga oo dhaw mar ku dhawaaday in ay Arsenal ka dhaliyaan gool laakiin uma suurtagalin in ay dhaliyaan goolka.

Xilli ay Palace raadinayso goolka bar-baraha ayay Arsenal daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Marc Guehi kaas oo Arsenal u dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul muhiim ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka premier League.