1 min read

Dowladda Soomaaliya oo taageertay midnimada Shiinaha.

Wasaarradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay maanta bayaan, taasoo ay isku barbar taagtay mowqifka siyaasadeed ee dowlada Shiinaha.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka dalbatay in “Qaramada Midoobay ay ilaaliso midnimada, sharafta iyo wadajirka dhulka dowladda Shiinaha.”

Bayaanka dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad ka dhalatay safar ay afhayeenka aqalka wakiiladda ee Mareykanka, Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan.

Dowladda Soomaaliya, ayaa u aqoonsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

Mar sii horreysay ayaa Taiwan waxay xiriir la sameysay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida, taasoo ka careysiisay dowladaha federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha.