25 Apr, 2024
1 min read

Maraykanka oo ka digay in Al-Shabaab qorshaynayeen inay weeraro ka gaystaan gudaha Itoobiya.

Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan. Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay “inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.” General Steven Townsend […]

1 min read

Afhayeenka Madaxtooyadda “Waxaan ka cudur daaranaya in si khaldan la ii fahmay”

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu ka sheegay shir jaraa’id ee uu kaga hadlay kulankii dhexmaray Madaxweyne Xasab Shiikh iyo dhigiisa dalka Masar ee Cabdifitaax Al-siisi. “Waxaan ka cudur daaranayaa in si qaldan la ii fahmay sharraxaaddii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shir jaraa’id […]

1 min read

Taageerayaasha wadaad reer Ciraaq ah oo gudaha u galay xarunta baarlamaanka dalkaas.

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Ciraaq Moqtada Al-Sadr ayaa markii labaad gudaha u galay baarlamaanka Ciraaq muddo saddex maalmood ah. Telefishinka ay dowladdu maamusho ee Ciraaq ayaa soo bandhigay mudaaharaadayaasha oo ku soo qulqulaya hoolka iyo waddooyinka ka dib markii kumannaan taageerayaasha wadaad kaas ah oo lulaya calanka Ciraaq ay dibadbax ka dhigeen waddooyinka magaalada […]

2 mins read

Kenya oo sheegtay in aan la xannibi doonin baraha bulshada, kadib digniin la siiyay Facebook.

Kenya ayaa Sabtida maanta ah ku adkaysatay in aysan xannibi doonin baraha bulshada, ka dib markii hay’adda NCIC ay shirkadda Facebook uga digtay halis ah in la mamnuuco haddii aysan wax ka qaban hadallada nacaybka ah ee ay sheegtay in madashaasi lagu soo bandhigay. Hay’adda qaran ee ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ee NCIC loo soo […]

1 min read

Howlgal ciidamada Atmis iyo kuwa Dowladda ka sameeyeen G/Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ka tirsan howlgalka ATMIS,waxay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwa ka dhan ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay ka sameeyeen deegaannada kala ah Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo dhamaantood […]

1 min read

Bankiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay lacag malaayiin doollar ah.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayuu ku sheegay in Bankiga Adduunka uu ansixiyay ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda dowladda. Wasiir Beyle ayaa u jeediyay mas’uuliyiinta Baanka Adduunka, kuwaas oo ansixiyay lacagtaan, wuxuu xusay in taasi ay ku timid kadib markii […]

1 min read

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay is bedel badalka Cimilada.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shirweeyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni. Ergeyga oo qudbad […]