1 min read

Al-Shabaab oo goob fagaaro ah ku toogtay Rag iyaga ka mid ah.

Wararka ka imaanayo deegaanka Booshmadiino oo qiyaastii 50KM fogaan ahaan u jira magaalada Beydhabo ee xarunta ku meelgaar ah ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay Al-Shabaab ku toogteen xubno iyaga kamid ah.

Al-Shabaab ayaa toogtay ilaa 7 ruux oo iyaga kamid ah, kadib markii ay ku eedeyeen in ay ahaayeen kuwa xogta u gudbiya (basaasiin) Dowladda, iyo maamulka koofur-galbeed.

Xubnaha ay Al-Shabaab toogteen waxaa Kamid ah sida ay Wararku sheegayaan Agaasimihii Isbitaalka Baydhabo xilligii Shabaabka oo ilaa iyo toogashadiisa kala shaqaynayay Al-Shabaab qeeybta Caafimaadka, kaas oo kagu magacaabayay Dr Cabdiraxmaan Ibraahim Isxaaq.

Sidoo kale xubnaha ay Toogteen Dagalamayasha Al-Shabaab waxaa kamid ah ahaa Horjoogayaal jabhad, waxaana dhamaan ay ku eedeeyeen In ay ahaayeen kuwa xogta u dusiyaan Dowladda DFS iyo maamulka koofur-galbeed Soomaaliya.

Xiriiro aan la sameeynay Maamulka Koonfur Galebeed ayaana inoo suurta galin si aan wax uga weeydiino dhacdadaan ay Al-Shabaab ku toogteen xubno iyaga ma tirsan