|

Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa oo qarax lagu dilay.

BAYDHABA — Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday.

Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkan.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib weerar ismiidaamin ahaa oo 27-kii bishan lagu dilay in ka badan 10 qof oo uu ku jiray guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdullaahi Cali Waafow.

Sidoo kale isla 27-kii bishan waxaa qarax kale oo ka dhacay magaalada Afgooye, lagu dilay ugu yaraan afar qof, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Posted by on Jul 29 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]