4 mins read

=Nasashada Jimcaha. Q-315=Allow eyna dhihin, Aakhiro Qofka Janno iyo Naar tuu galayo Puntland lagalama tashan

1. Naag Reer Nugaal ah ayaa Ninkeeda ku tiri: waa intee Tirada Haweenka aad shukaansatay intii aan is qabnay ee aad iga qarisay? waxa uu yiri: Lama soo koobi karo, Haweenka aan shukaansaday waxa ey la egyihiin Tirada Tinteeyda.

Naagtii waa carootay, Guriga Hooyadeed ayeey Tagtay, waxa eyna Hooyadeed u sheegtay wixii dhacay.

Hooyadii ayaa tiri: Naa Hoogto, Ninkaagu waxba muuna shukaansan, Ma isagaaba leh wax Tin ah. Naagtii waxa ey xasuustay in uuna Ninkeedu Tinba leheyn oo uuna shaleysan Subixii. Gurigeedii ayeeyna u noqotay iyada oo faraxsan.( F.S: 1aad)

( Punt land ayaa Galmudug ku tiri: Xiriirkeenii Ganacsi waa xumaaday, waxaan idinka joojineynaa Khudaarta aan idiin soo dhoofino gaar ahaan Mooska iyo Babaayga. Wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa isagu yeeray Golihii wasiirada Galmudug isaga oo uga dhigayo dhibaatada soo socoto, waxaa lagu yiri: Xageed ku aragtay Moos iyo Babaay Nugaal nooga yimaad. Shirkiina waa lagu kala tagay)

2. kuwo Fadhi ku dirirayay ayaa yiri: Iran iyo Ruush ayaa ku heshiiyay in Hubka Nuclear Iran la horuumariyo. Mid Reer Bari ahaa oo ag fadhiyay ayaa yiri:

Boowe, Wallee taasi ma dhici kadho. boowe Punt land lagamala tashan.( F.S: 2aad)

( Dowladda Somaliya iyo Masar ayaa Heshiis gaaray, waxaa Gaashaanka ku dhuftay Puntland oo aan lagala tashan, Allow eyna dhihin, Aakhiro Qofka Janno iyo Naar tuu galayo Puntland lagalama tashan)

3. Macallin Reer Xamar ahaa ayaa loo bedelay Bosaaso, Arday ayuu weydiiyay Meeqa jir ayaad tahay? Ardaygii waxa uu yiri 18 sano jir. Waa qoryay Macallinkii.

waxa uuna ku yiri: Hooyaadaa keen. Hooyadii ayaa timid isguulkii.Macallinkii, Hooyadii ayuu weydiiyay meeqa sano ayaad jirtaa Adiguna. waxa ey tiri: 21 sano.

Markii uu Xamar yimid ayaa la weey diiyay maxaad ku soo aragtay Bosaaso?.

waxa uu yiri: waxaan ku soo arkay Naago 3 sano wax ku dhalaa .21 Jir, wiilkeedu 18 sano jiro. ( F.S: 3aad)

4. Nin Reer Eyl ah oo Kaluumeysato Dan yara ahaa , ayaa loo doonay Gabar. waxa uu diyaarsaday Maacuuntii Guriga iyo Joodari qaali ah, Lacagtiina waa ka dhamaatay.

waxaa loo keenay Gabar aad iyo aad u buuran. markii uu arkay ayuu Guriga galay, waxa uu soo qaaday Joodarigii si uu dib ugu celiyo Dukaankii uu ka soo iibsaday. waxa uuna yiri: Boowe Haddii aad qofkaan ii keenteen ma anigaa Joodari u baahan.( F.S: 4aad)

5. Wakhtigii uu jiray Dagaalkii SNM ayaa Kabtan Ciidanka ka tirsanaa oo Suuqa Hargeso marayay, ayaa kufay oo dhulka ku dhacay. Islaan Suuqa shaah ku iibineeysay ayaa ku qososhay.

Islaantii waa la xiray, waxaana la hor geeyay Maxkamadda. Xeer ilaaliyihii ayaa ku yiri: Qaaliyoow, Sharciga iigama muuqdo Qodob Xarimayo Qosolka.

Qaaligii ayaa yiri: Boowe, war Sharciga garan meydaaniin. Qodobka 164 Xarafka t ayaa qorayo ( ku qoslid kabtan kufay, waana 6 Bilood) ( F.S: 5aad)

( Dhab ahaan waxaa Aniga igu dhacday, Ardaygeygii Mr. Ganey oo Sanado hore ka shaqeynayay Dowladda Hoose ayaa Comment ku qoray Qoraalkeeyga FB. kadibna waxaa looga eryay Shaqadii, maxaad “Comment” ugu aqortay qoraalka Yaxye. xaqiiq kale oo dhacday ayaa aheyd Wiil ka shaqeynayay wasaaradda Warfaafinta ayaa qoraalkaaga u Share-gareeyay Saaxiibkii oo isla wasaaradda joogo.kadibna 3 Bil ayaa shaqada laga joojiyay…Qodobkee loo cuskaday labadaa Wiil oo ahaa Ardaydeydii hore?)

6. Wiil Reer Qardho ah oo Qurbaha ka yimid ayaa lagu yiri: Gabar ayaa laguugu daraa, waana ogolaaday, Dhowr Habeen ayuu la sheekeeystay waana is fahmeen. Adeerkii ayaa u doonay Gabadhii, waana loo ogolaaday.

Labadii Reer ayaa isku yimid, Gabadhiina waa lagu mehriyay, waxaa la yiri: Adeerka u dhiib Lacagtii Sooryada iyo Arooska, waxa uu u dhiibay 6000 Dollar oo uu Lacag ka heeystay.

Adeerkii Lacagtii waxa uu ku wareejiyay Reerkii Gabadha si Arooska loogu diyaariyo. Markii ay soo bexeen ayuu Wiilkii ku yiri: Adeer Gabadhii ma joogin maxaa dhacay. Adeerkii ayaa yiri: waa la keenaa 5 Cisho kadib. Wiilkii ayaa yiri: Laakin Adeer waad qaldantay, Lacagtii ayaad wada siisay ee Reerka Gabadha Manooga Reebtay Risiit “Receipt” cadeeynayo in aan Lacagtii bixinay.

( war Ciyaalka Qurbaha hala baro dhaqanka)

Qore: Yahya Amir