7 mins read

Toddobo ciyaartoy oo iyagoo laga samray kusoo laabtay kubbadda kaddibna wacdaro dhigay

Hal sano ka hor, 12-kii bishii Juun ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii uu Christian Eriksen miyir beelay kaddib markii xanuun dhanka wadnaha ah uu kusoo booday, waxaana garoonka looga saaray bareelle.

Waxa uu ciyaartoygan si lama filaan ah istaagga uga dhacay xilli ay socotay ciyaar ay xulkiisa qaranka ee Denmar la yeesheen xulka qaranka Finland. 

Taageereyaasha kubbadda cagta oo dhan ayaa ka naxay arrintaas, waxaana laga baqayay in noloshiisa ay halis gasho.

Markii kooxda Inter Milan oo ka dhisan Talyaaniga ay meesha ka saartay heshiiskii uu kula joogay bishii Diseembar ee 2021-kii, dad yar ayaa shaki ka qabay inuu awoodi doono inuu ku noolaado nolol caadi ah, iskaba daa inuu mar kale ciyaaro kubbadda cagta.

Laakiin, xiddigan 30 jirka ah ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kubbadda cagta, isagoo xiran maaliyadda kooxda Brentford ee ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska, waxa uuna soo bandhigay qaab-ciyaareed cajiib ah xilli-ciyaareedkii hore, taas oo keentay in ay Man United ku qanacdo saxiixiisa. 

Christian Eriksen

Soo laabashada Eriksen ayaa laga yaabaa inay noqoto tii ugu layaabka badnayd ee kubbada cagta, laakiin isaga ka hor waxaa jiray ciyaartoy ku soo laabtay garoomada kaddib dhaawacyo halis ah ama xanuuno naftooda halis galiyay. 

Waxaan maqaalkan kusoo qaadanaynaa qaar ka tirsan ciyaartoydii kale ee ugu cajiibsanaa.

Jonas Gutierrez

Haddii aad filim ku arki lahayd sheekadan waxaad ku doodi lahayd in aysan macquul ahayn oo aysan u qalmin in xitaa la male-awaalo. Waayo dad badan ma rumaysan karaan.

Ciyaaryahanka u dhashay Argentine, Jonas Gutierrez ayaa laga daweeyay kansarka xaniinyaha bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, waxa uuna ka maqnaa kooxdiisa Newcastle muddo 18 bil ah.

Jonas Gutierrez

Waxa uu ku soo laabtay xirfadda kubbadda cagta, waxa uuna door muhiim ah ka qaatay dagaalkii ay kooxdiisa uga badbaadday halistii ay ku gashay inay ka baxdo horyaalka heerka koowaad sanadkii 2015-kii, hoos-u-dhac ciyaareed awgiis.

Wacdaraha uu dhigay waxaa si wayn looga xusuustaa gool taariikhda galay oo uu ka dhaliyay kooxda West Ham maalintii ugu dambaysay ee gabagabada horyaalka, kaasoo ahaa goolkii badbaadiyay Newcastle.

Waxa uu ka tagay Newcastle dhowr toddobaad kaddib isagoo horumar wayn ku faanaya.

Eric Abidal

Daafacii hore ee xulka qaranka France, Eric Abidal, ayaa awooday in uu ka takhaluso buro beerka uga taallay, labo bil oo keliya kaddib waxa uu ku guulaystay abaalmarinta ugu wayn ee kooxaha Yurub.

Eric Abidal

Bishii Maarso 2011, qaybta bidix ee dhabarka ayaa looga sameeyay qalliin saddex saacadood qaatay si dhaqaatiirta ay burada uga soo saaraan jirkiisa, laakiin xawaaraha soo kabsashadiisa ayaa ahaa mid yaab leh. 

Abidal ayaa ciyaaray gabi ahaan waqtigii finalkii Champions League ee ay Barcelona guusha ka gaartay Manchester United isagoo soo bandhigay qaab-ciyaareed cajiib ah.

Sanadkii xigay, kaddib dhibaatooyin ka yimid qalliin hore, Abidal waxa uu ku khasbanaaday in laga beddelo beerka, uuna soo afjaro xirfaddiisa ciyaaraha si uu u helo caafimaad buuxa.

Hase yeeshee, labo xilli-ciyaareed oo kale ayuu u ciyaaray kooxaha Monaco iyo Olympiakos, wuxuuna garoomada ka fariistay sanadkii 2014.

Petr Čech

Petr Čech oo lagu tilmaamay mid ka mid ah goolhayeyaashii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa sanadkii 2006 ku dhawaaday geeri.

Isagoo markaas u ciyaarayay kooxda Chelsea waxa ay jug halis ah kasoo gaartay xilli uu isku dayay in uu bixiyo kubbadda uu watay xiddigga kooxda Reading, Stephen Hunt.

Petr Čech

Čech ayaa madaxa ka jabay, markii qalliin lagu sameeyay kaddibna waxa uu sheegay in uusan waxba ka xusuusanin shilkaas.

Saddex bil kaddib waxa uu dib ugu soo laabtay garoonka isagoo xiran koofiyadda madaxa ilaalisa, taasoo uusan waligiis siibin ilaa ciyaartiisii ugu dambaysay ee xirfaddiisa.

Inkastoo uu dhaawacaas daran yahay haddana goolhayahan u dhashay dalka Czech Republic ayaa sii watay wacdarihiisa kubbada cagta. 

Waxa uu awooday in uu ku guulaysto afar horyaal oo Premier League ah, hal horyaal oo kubbadda cagta Yurub ah, afar koob oo FA-ga Ingiriiska ah, saddex koob oo League Cup ah iyo hal horyaal oo Europa League ah.

Raúl Jiménez

Raúl Jiménez, sida Petr Čech, waxaa soo gaaray jab madaxa ah. 

Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020 ayuu weeraryahanka xulka qaranka Mexico iyo kooxda Wolves miyir-beelay kaddib markii ay isku dhaceen isaga iyo daafaca Arsenal David Luiz.

Jiménez ayaa garoonka dhexdiisa lagu siiyay ogsijiin ka hor inta aan la saarin bareello. Badbaadadiisa waxa ay dhaqaatiirtu ku sheegeen arrin “mucjiso” ah.

Garoomada tababarka waxa uu ka maqnaa muddo lix bil ah, waxaana marar badan lagu sameeyay baaritaanno dhanka maskaxda ah si loo ogaado inuu awood u leeyahay inuu sii wato ciyaarista kubbadda cagta. 

Raúl ayaa ku soo laabtay garoonka siddeed bil kaddib dhacdadaas, isagoo la billowday xilli-ciyaareedkii 2021-22.

Ciyaaryahankan ayaa sanadkaas dhaliyay 10 gool waxaana uu caawiyay 4 gool, si kooxda Wolves ay ugu dhameysato ​​kaalinta 10-aad ee horyaalka England.

Djibril Cissé

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Faransiiska, una soo ciyaaray kooxaha Liverpool, Sunderland iyo Queens Park Rangers, ayuu dhaawac daran ka soo gaaray lugaha oo uu labo jeer ka jabay.

Dhacdadii ugu horreysay waxay ahayd kulankiisii ​​19-aad ee Liverpool. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2004, waxa uu jabay markii cagtiisa ay qabsatay cawska isagoo loollan kula jira daafaca kooxda Blackburn, Jay McEvely.

Djibril Cissé

Cissé, oo 41 kulan u ciyaaray xulka qaranka Faransiiska, ayaa la filayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, laakiin waxa uu soo laabtay ka hor waqtigii loo qorsheeyay oo ahaa bishii Abriil ee sanadkii 2005.

Waxa uu garoomada dib ugu soo laabtay iyadoo shan bil iyo bar kaliya ay ka soo wareegtay dhaawaciisa.

Cissé lugtiisa ayaa mar kale jabtay; Markan waa ciyaartii ugu dambeysay ee France oo u socota Koobka Adduunka ee 2006 ee lagu qabtay Jarmalka. 

Dhacdadan ayaa la sheegay inay dib u dhigtay u dhaqaaqistiisa joogtada ah ee kooxda Club Olympique de Marseille.

Liverpool ayaa ugu dambeyntii oggolaatay inuu amaah uga tago Cissé waxa uuna awooday inuu u ciyaaro kooxda Faransiiska ka dhisan bishii December ee 2006-dii. 

Cisse waxa uu u soo ciyaaray 11 koox oo kala duwan.

Ugu dambayn waxa uu bishii Sebtember ee 2021 kusoo laabtay kooxda Marseille isagoo tababare dhallinyaro ah.

Santi Cazorla

Dhaawaca xun ee Achilles waxa uu sababay kaliya ma ahayn in tayada Cazorla aysan u soo bixin sidii la rabay, laakiin sidoo kale waxay shaki galisay awooddiisa inuu mar kale socdo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kasoo jeeda dalka Spain ayaa dhaawac jab ah oo aad halis u ah galay mar uu ciyaarayay kulan saaxiibtinimo oo dhex maray Spain iyo Chile, bishii Sebteembar ee sanadkii 2013.

Waxa uu jab ka gaaray mid ka mid ah lafaha yar yar ee anqowga isagoo ku jiray hardan aan halis ahayn.

Dhaawacaas ma ahayn mid halis ah oo ka joojin kara inuu ciyaaro, laakiin dhowr bil kaddib Cazorla wuxuu la dhibtoonayay xanuun “maalin kasta hayay” waxaana ugu dambeyntii laga saaray bishii Oktoobar ee 2016-kii ciyaartii Champions League ee Ludogorets.

Qalliinno gaaraya 11 oo aad u wanaagsan ayaa daba socday. Cazorla ayaa loo sheegay in uu aad u farxo haddii ay mar dambe xitaa u suurtagasho in uu lugihiisa ku socdo.

Cazorla waxa uu dib-u-dhis dhamaystiran ku sameeyay maqaar ka soo baxay cududdiisa bidix bishii May ee sanadkii 2014, iyada oo howshaasi qayb ka mid ah ay tahay sababta uu ku yimid tattoo-ga gacantiisa sidoo kale loo wareejiyay lugtiisa midig.

Cazorla ayaa sii joogay Arsenal ilaa dhamaadka qandaraaskiisa bishii May 2018, markaas oo uu dalab ka helay kooxda Villarreal oo ah kooxdii uu ka soo billaabay xirfaddiisa ciyaareed. 

Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Al Sadd Qatar.