1 min read

Cagjar: Waxaan jebinay qorshe ay sanad diyaarinayeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo maanta dib ugu laabatay magaalada Jigjiga kadib muddo toddobaad ah oo uu ku maqnaa furimaha dagaalka ayaa warbaahinta waraysi ku siiyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Cagjar ayaa sheegay in ciidanka deegaanka ay jabiyeen qorshe sanad la diyaarinayay, islamarkaana ay ku burburiyeen wax kayar saddex cisho.

Dhanka kale, madaxweyne Mustafe ayaa sheegay inay samaynayaan istiraatiijiyad labaad, taas oo ah sidii looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab islamarkaana aan lugu sugin xuduudka.