1 min read

Itoobiya oo warsaxaafadeed ka soo saartay Dagaalka Al-Shabaab ay ku qaadeen Dowladda Deegaanka.

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay Ciidanka Xoogga ee Dowladda Itoobiya.

Warmurtiteedka ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Al-shabaab lagu gaarsiiyay Dagaalka khasaaro xooggan, walow Hoggaanka Al-Shabaab ayaa dhankooda horay u sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada labo jeer ka dhacay deegaannada xadka u dhow.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan, halkaas uu dagaal ku dhexmaray; Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dhanka kale Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda uu u socda si goos goos ah ayaa isagana lagu sheegay in lagu dilay 209 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka Itoobiya.

Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe ee Itoobiya.

Waxyaabaha kale ee war-saxaafadeedka lagu sheegay waxaa ka mid ah in Itoobiya ay gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah qalabka isgaarsiinta ee ay Al-Shabaab adeegsanayeen, kuwaasoo la sheegay in ay tiradooda guud ahayd afar.

Al-shabaab ayaa weli ka hadlin warka ka soo baxay Dowladda Itoobiya ee ku aaddan dagaalka ay la galeen ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo kuwa Miletariga ee Dowladda Itoobiya.