1 min read

Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir oo ku dhawaaqay Natiijada Imtaxaanka Fasalka 8aad.

Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtaxaanka Shahaadiga Fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2021-2022, kaas oo sanadkii saddexaad maamulka Gobalka Banaadir uu qaaday.

Munaasabadda lagu dhawaaqayay Natiijada Imtaxaanka Fasalka 8aadka ee Dugsiyada Gobalka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, Guddoomiye ku xigeenka maamulka Arrimaha Bulshada ee Gobalka Banaadir, Agaasinka Waxbarashada, Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Imtaxaanka Sanadkaan ayaa waxaa u fadhiisatay 26,860 Ardey, kuwaas oo ku galay 69 xarumood, waxaa Imtaxaanka galay ku dhawaad 590 School oo ka mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir.

Ardeyda sanadkaan gudubtay ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa 24,443 oo ka dhigan 91%, halka tirada hartay ay dhanyihiin 2,417 oo u dhigan 9%. Tirada Wiilasha ee Imtaxaanka gashay ayaa dhan 15,119 oo Ardey, waxaa gudubtay 13,683  oo ka dhigan 51% tirada guud, waxaana haray 1,436  Ardey oo ka dhigan 5%. Tirada gabdhaha ee imtaxaanka gashay ayaa dhan 11,741 Ardey, waxaa gudubtay 10,760 oo u ka dhigan 40% tirada guud, halka tirada hartay ee gabdhaha ay gaareyso 981 Ardey oo ka dhigan 4% tirada guud.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa saddex sano ka hor Maamulka Gobalka Banaadir ku wareejisay Dugsiyada Gobalka, iyaga oo uu maamulka sanadkiisa saddexaad uu qaadayo Imtaxaanka shahaadiga ee Fasalka 8aad