1 min read

Ergeyga MadaxWeynaha u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada oo la filayo in uu gaaro Kismaayo.

Wafdi uu Hoggaaminayo Ergeyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Ergayga Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbland Axmed Madaxmed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobaleedkaas, isaga oo ka wareesan donna xaaladda guud ee deegannada Abaartu saameysa.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, ayaa booqon doona xeryaha ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay Abaaraha ka jira deegannada Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxa uu kale uu qiimeen doona baaxadda ay gaarsiin tahay Abaarta.

Warsame oo Madaxweynaha Soomaaliya xilkaan u magacaabay 24 May 2022-ka ayaa safaro ku kala tagay deegaannada ay abaartu saameyso oo hoos yimaada Dowlad Gobaleedyada; Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland.

Safarrada ayaa ahaa kuwa uu u guurgalayay xaaladda ka jirta deegannadaas, isaga oo gaar siiyay deegannada qaar gurmad, sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid wakiillada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.