|

DEG DEG:Guddoomiyihii Marka oo lagu khaarijiyay Qarax is-miidaamin ah.

MARKA — In ka badan 10 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow ayaa ku dhimatay qarax ismiidaain ah oo ka dhacay magaalada Marka, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gbolka Shabeellada Hoose.



Qaraxan ayaa mas’uul codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni uu sheegay inuu gaystay qof isa soo miidaamiyey uuna ka dhacay agagaarka xarunta degmada.

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya mas’uliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday guddoomiye Waafow.

Dhinaca kale qarax labaad oo ka dhacaya degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo rayid ah.

Magaalada Muqdisha ayaa iyadana qarax ka dhacay la sheegayaa inuu ahaa mid ku qarxay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaas.

Posted by on Jul 27 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]