Duqeymo diyaaradeed oo lagu weeraray Fariisimo Shabaabku ku lahaa Sh/Hoose iyo faah faahino laga helayo.
Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay inay xalay Saqdii dhexe duqeymo culus ka fuliyeen degaanka Toora-tooroow oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo siweyn ugu xoogan yihiin dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.
Goobjoogayaal diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in laba diyaaradood ay duqeeyeen Xarumo ay ku Shaqeeynayeen Al-Shabaab oo kuyaalla degaanka Toora-tooroow, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in mid kamid ah diyaaradaha ay ku degtay degaanka Toora-toorow, isla markaana ay Ciidamadii saarnaa wateen ku dhawaad 10 Ruux oo ku sugnaa degaanka, iyaga oo ku eedeynaya inay katirsan yihiin Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ka dhacday degaanka Toora-tooroow, hayeeshee inta badan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Soomaaliya ka fuliya Mareykanka, kaas oo dib ka faah faahiya duqeymaha ay fuliyeen.