1 min read

Ruushka oo weli sii wado duqeymaha uu ka geysanayo Ukraine.

Ruushka ayaa gantaallo iyo madaafiic ku garaacay magaalada koonfurta ku taalla ee dekedda leh ee Mykolaiv.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerar lagu qaaday dekedda iyo meelo kale.

Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale beegsaday tuulooyin ku yaalla gobolka Odesa halkaas duqeymaha ay burburiyeen guryo.

Ruushka wuxuu sidoo kale duqeeyay magaalada Kharkiv iyo magaalooyin dhaca bariga Ukraine.

Waxaa lagu soo warramaya in dab uu ka kacay bakhaar shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla magaalada Donestk oo uu Ruushka maamulo.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warrantay in khasaaraha uu ka dhashay duqeymaha ay waddo Ukraine.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay weeraradaas.