1 min read

Raila Odinga: Looma turi doono cid kasta oo lagu helo musuq maasuq.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay inaan cidna looga turi doonin ololaha ka dhanka ah musuq-maasuqa ee uu ballan qaaday inuu sameyn doono haddii loo doorto madaxweynaha doorashada Kenya ka dhaceysa bisha soo socota.

Kenya ayaa kaalinta 128-aad kaga jirta qiimayntii ugu dambaysay ee musuqa-maasuqa ee hay’adda Transparency International ay samaysay.

Raila oo 77-jir ah ayaa u sheegay BBC-da inuu sidoo kale soo bandhigi doono tallaabooyin dhaqaale oo uu dib u habeyn uu ku sameyn doono deymaha si loo badbaadiyo dhaqaalaha.

Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Kenya, ayaa ololaha doorashada wuxuu hadda yahay mid aad u kulul.

William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in uu awood u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha haysta dalka Kenya oo aysan waxbo u dhimayn waxyaabihii uu ka gaabiyey madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyata.