1 min read

UK oo diiwaan gelisay heer kulkii ugu darnaa abid.

Britain ayaa diiwaangelisay heer kulkii ugu sarreeyay abid kaas oo gaaray in ka badan 40 Celsius xilli uu kuleyl daran saameeyay guud ahaan galbeedka Yurub.

Faransiiska ayaa ka digay heer kulka ba’an halka waqooyiga Spain laga diiwaan geliyay 43C.

Sidoo kale kuleyl daran ayaa laga soo sheegayaa waddamada Belgium, Netherlands iyo Jarmalka.

Waxaa Yurub ku faafaya dabka ka kacay keymaha dalalka koonfur galbeed Faransiiska iyo Spain.

Dabka ayaa horseeday in kumanaan qof ay ka qaxaan goobaha uu saameeyay dabka Portugal ilaa Giriigga.

Labo qof ayaa ku dhimatay waqooy galbeed Spain halka qof kale oo ka cararayay dabka uu ku dhintay waqooyiga Portugal.

Article share tools