1 min read

Midowga Yurub oo Gaas ka raadinaya Azerbaijan.

Ursula von der Leyen oo ah Madaxa Komishinka Yurub ayaa Isniinta maanta ah u safreysa Magaalada Baku ee Caasimadda Azerbaijan si ay xal ugu raadiso dhibaatada Gaaska lagu qabo ee ka taagan dalal badan oo qaaradda dhaca.

Leyen, waxa ay sheegtay in si ay ugu kaaftoomaan Gaaska ka yimaada Ruushka ay u raadineyso sidii Azerbaijan ugu bandhigi lahayd xal u helista dhibaatada taagan oo fure u noqon karta sidii looga gudbi lahaa baahida loo qabo.

Midowga Yurub oo dareemaya culeys uga imaanaya Ruushka oo la xiriira in uu ku dhibaateynayo helista Gaaska uu sameeyo ayaa damacsan in ay helaan waddan ay uga maarmaan baahida ay gaaskaas u qabaan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa 14ka July 2022 aragtay Heshiisyo ay wada galayaan Midowga Yurub & Azerbaijan si looga helo Dhuumo (Tubooyin) lagu qaado Gaaska Dabiiciga ah si meesha looga saaro baahida loo qabo.

Dhowr Waddan oo Yurub ah ayaa cunaqabateyn kusoo rogay badeecadaha iyo waxyaabaha kale ee macaashka uu ku helo Ruushka kaddib markii uu duullaan ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Ukraine 24kii Febaraayo 2022.

Moscow ayaa sheegtay in ay joojisay Gaaska, Korontada iyo agabka ay soosaarto ee loo iib geeyo Waddamada cunaqabateeyay, Dalalkaas si ay u helaan meelo ay uga kaaftoomi karaan ayaa xoojiyay sahan raadin muddo ku qaadatay si ay u helaan waxyaabihii Ruushka ka helayeen.