1 min read

Deg Deg:Qarax ka dhacay magaalada Jowhar.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan lagana maqlay qeeybo kamid magaalada Jowhar ayaa waxa ay wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu ka dhacay qaraxa gudaha Hotel la yiraahdo Beder oo ku yaal  magaalada Jowhar.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in qaraxa uu dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac in kastoo aan la ogeeyn inta uu gaarsiisanyahay Qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lagu samatabixiyo dadka ku dhaawacmay qaraxa.