1 min read

Al-Shabaab oo sheegatay Qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay huteel ay degenaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku sugan Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu burburiyay hudheelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa hudheelka la weeraray iyo guryiha ku dhaw dhaw.