1 min read

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalalka Carabta ka codsaday wax ka qabashada Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa  kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi, isagoona la wadaagay dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah inay Soomaaliya ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta  Adel bin Abdulrahman Al-Assumi, oo asagana dhankiisa ka codsaday dalalka Carabta in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira degaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad  xiriir ah abaaro daba dheeraadey jiraan.

Wadahadalan ayaa ka dambeyay ka dib kulankii ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Adel bin Abdul Rahman Al Asoomi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen. sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa soo hadal qaaday mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto ka hortagga abaaraha, dadaallada dib lagu yagleelayo amniga iyo xasiloonida  iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.