2 mins read

Warbaahinta K/Afrika oo Banaanka soo dhigay tacdiyada Soomaalida loogu geysanaayay maalmahaan dambe CAPE TOWN.

CAPE TOWN 🇿🇦▪︎Warbaahinta Koonfur Afrika oo ka Warantay Dhacdooyinka aan la Qarin karin ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed Maalmihii lasoo dhaafay loogu gaysanayey Magaalada Cape Town, haba ugu darnaatee Tuulada isku raranka ah ee Khayelitsha.

Qaar kamid ah soomaalida ganacsiyada ku leh xaafadaha Site B iyo Kuyasa, ee degmada Khayelitsha, ayaa ka codsaday booliska in ay ka badbaadiyaan weerarrada qorsheysan ee ugu imaanaya dad sheeganaya in ay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa ururka ajaanib naceybka ah ee ‘Operation Dudula’. kuwaasi oo mar walba beegsanaya ajaanibta sharci la,aanta ah

Cabdi Mamahed Molim oo kamid ka ah soomaalida ee dukaamaha ku leh degmada Khayelitsha, ayaa u sheegay wargeeyska IOL/Capeargus, in tan iyo sabtidii, dukaamada ay ku leeyihiin dhowr xaafad oo ka tirsan deegaanka Khayelitsha la dhacayay lagana qaatay lacag iyo badeecado, iyadoo milkiilayashii iyo shaqaalihii ka shaqeeynayay dukaamaha sido kale loo geeystay jir dil iyo cagajugleeyn.

Isagoo hadalkiisa sii wata Cabdi Mamahed Molim ayuu yiri”Ma garanayo sababta ay tan u samaynayaan, waxaa nasoo wajahday cabsi xoogan booliisku ma doonayn inay na caawiyaan. ayuu hadalkiisa sii raacayay

Cabdi Mamahed Molim waxa uu sheegay in wixii dhacayay kadib, maalimhiii sabtidii, Axadii, Isniinta iyo Talaadadii ay jaaliyadda Soomaalida ee ganacsiyada ku leh degmada Khayelitsha ay isku dayeen in ay si rasmi ah dacwad ugu gudbiyaan laamaha booliska (SAPS,- balse cabashadaasi lama diiwaan galin

Hasa ahaatee booliska dhankooda waxay sheegeen in aysan jirin wax cabasha ah oo soo gaartay kuna saabsan dhibaatada ay sheegayaan ganacsatada soomaalida ah ee ku nool degmada Khayelitsha,

Dhanka kale hogaamiyayasha ururka Operation Dudula ayaa iska fogeeyay eedeeynta loo jeediyay ee ah in ay weerareen soomaali ganacsiyo ku leh degaanka Kheylitsha

Isku duwaha gobolka westeren cape ee dhaqdhaqaaqa Operation Dudula ninka lagu magacaabo Jonathan Baju ayaa yiri: “Tani waa markii ugu horeysay ee aan maqlo sheegashooyinkan, isla markiiba waxaan jeclaan lahaa inaan dhaleeceeyo oo aan iska fogeeyo eedaha naloo jeedinayo, mana samayno hawlo sharci darro ah. Si kastaba ha ahaatee, waan la socon doona arimahaasi

Warbixinta oo dhameeystiran links hoose ka akhriso https://www.iol.co.za/capeargus/news/operation-dudula-distances-itself-from-attacks-on-somali-shopkeepers-in-khayelitsha-13a7e9f2-ddbb-4cc3-b6ee-39932bdb7902.

WD: Abdirisaakh Indha jaceel