1 min read

ZINADA iyo cadaabta lag dhaxlo!!!.

Ninkii gacantiisa dul dhiga qof dumar ah oo aan u bannaanayn isagoo shahwo iyo dareen ula jeeda wuxuu imaanayaa maalinta qiyaame gacantiisoo qoorta ugu xiran! ……..

Haddii uu shummiyay ama dhunkadayna dibnaha ayaa dab looga shidayaa!
Haddii uu u galmoodana bowdyiniisa ayaa ku marag furi doona maalinta qiyaame iyagoo oran doona ‘xaaraan ayuu nagu fuulay’!

Markaas ayuu Eebbe si caro leh u eegi doonaa, kaddibna hilibka wajigiisa ayaa daadan doonaa! Maxaad samaysay? Ayuu Eebbe waydiin doonaa..
Carrabkiisa ayaa oran doonaa ‘waxaan bannaanayn ayaan ku hadlay’
Labadiisa gacmood ayaa dhihi doona ‘xaaraan ayaan taataabtay’.

Indhaha ayaa sheegi doona ‘meel aan noo bannaanayn ayaan eegnay’
Lugaha ayaa ku warcelin doona ‘xaaraan ayaan u socdaalnay’,
Xubinta taranka ayaa qiran doonta ‘wax aan la oggolayn ayaan sameeyey’

Mid ka mid ah Malaa’igta ilaalada ah ayaa oran doona ‘waan maqlayay’
Kan kale ayaa dhihi doona ‘anna sidoo kale waan qoray’

Eebbe ayaa oranaya ‘Anna waan arkayay oo waan u ceeb qariyay! Ee Malaa’igtaydaay, qaada oo cadaabkayga dhadhansiiya caradaydu waxay ku dhacdaa ciddii aan iga xishoon e!’

Balse, haddii addoonku Eebbe u noqdo xittaa isagoo sinaystay; Eebbe waa dambi dhaaf badane naxariis badan. Wuxuu yiri Eebbe wayne ‘ الا من تاب وامن وعمل عملا صالحا فالئك يبدل الله سيئاتهم حسنات وكان الله غفورا رحيما’

Kitaabul Kabaa’ir, Imaam Shamsudiin Dahabi.

FG: Faafi walaal si wax uun uga tarto sinadan beryahan caadiga iska noqotay ee ay saaxiibtinnimadu ka wayntahay guurka, ee dhallinyartii ula mid noqotayba balwad maalinle