1 min read

Maamulka Puntland oo hal milyan oo Dollar ugu talagalay si wax loogu qabto dadka ay saameysay Abaarta daran.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay dhaqaale gaaraya 1 milyan oo Dollar oo maamulkiisa ugu talagalay si wax loogu qabto dadka ay saameysay Abaarta daran.

Deni ayaa timaamay in lacagta lagu shubayo sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland, Wuxuuna Madaxweynuhu ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka.

Shir-weynaha looga hadlay Gurmadka Abaaraha oo xalay ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha DF Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha iyo Arrimaha Binu aadnimada, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.