1 min read
Maxaabiis Al-Shabaab ah oo ka baxsaday Xabsiga Gaalkacyo iyo Puntland oo ka hadashay.
Talyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, Col. Muumin Cabdi Shire ayaa ka warbixiyay maxaabiis ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo shalay ka baxsaday Xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Col Mumin oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in saddex maxbuus oo dil ku xukuman ay ka baxsadeen xabsigaas.
7 maxbuus ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan xabsiga oo lagu hayo dadka Al-shabaab ku eedaysan balse saddex ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay Col. Muumin.
Hal maxbuus ayaa sidoo kale ku dhintay dhacdadaas oo baaritaan lagu hayo, sida uu xusay Taliyaha.