4 mins read

Dalkaan maxey ku badan yihiin Dad aan Xuquuqdooda aqoon iyo Dameero warqado u saxiixo= Nasashada Jimcaha.Q-313 =

  1. Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Xajka aaday 1960kii. intii Xajka la joogay ayaa Dowladda Sucuudigu ku dhawaaqday Tirada Xujaayda Dal kasta ka soo Xajisay. Indonesia 10,000. Ciraaq 4000…..Mexico Hal Qof.
    kii Gaalkacyoodka ayaa yiri: war waa maxaay Waddan dhan oo Hal Qof oo kaliya ka soo xajiyay, weli miyaan Risaaladu gaarin.
    waxa uu sii raaciyay, Maxaan ula yaabaa Adiga oo kaliya ayaa ka soo xajiyay wadanka Gaalkacyo ee Jalaf iyo Qalaf.

( Hadda oo 2022 la joogo Dadka qaar ameey isaga darmaan, Dowlad Gobaleed iyo Dowladda dhexe ee Somaliya)

  1. Dugsiga H/ dhexe ee Gaalkacyo ayaa waxaa dhiga jiray Arday ku liito maadada Chemistry- oo mar kasta Zero keeno imtixaanka. Macallinku warqad kasta marka uu saxo hoosta ayuu ka saxiixaa waxa uuna ku qoraa dhibcaha Ardaygu helay.
    Laakin Ardaygaan Damiinka ah warqadiisa waxa uu hoosta uga qori jiray Dameer.
    Maalintii dambe Macallinkii uguma soo qorin Dameer. Ardaygii ayaa Macallinkii u tagay kuna yiri: Macallin Maanta warqadda kuma aadan qorin Magacaaga.( F.S: 1aad)

( Dalkaan maxey ku badan yihiin Dad aan Xuquuqdooda aqoon iyo Dameero warqado u saxiixo)

  1. Qoys Reer Gaalkacyo ahaa ayaa waxaa Qur’aanka Jamca kasta Guriga ugu Akhri jiray wadaad. wadaadkii Dhowr jimco looma yeerin. Maalintii Dambe ayuu jidka ku arkay Wiilkii ugu yaraa Ciddii uu Qur’aanka u Akhri jiray. waxa uu ku tiri: Maxaa dhacay Jimcooyinkaan la ima wicine. wiilkii ayaa yiri: Wadaad cusub Tolka ah ayaa la helay. ( F.S: 2aad)

( Amaa Wasaarado Badan laga waayaa Raggii Mushaar aan la shaqeysan qaada jiray oo la yiraa, Wasaaradda waxaa loo soo magacaabay, Wasiir Gaalkacyo ka yimid oo Tolka ah)

  1. Gabar Reer Gaalkacyo ah oo Qaad iibiso ayaa Nin u yimid: Siduu Qaadka marba mid u furfurayay, ayaa markii dambe lagu heshiiyay Qiimihii Qaadka. inta uu Toqfosha gashaday Qaadkii ayuu ku yiri: igu qor.
    waxa ey ku tiri: Adeer iska dhig, Haddii aan wax qori aqaan Qaad maba gadeene.( F.S: 3aad)

( Reer Gaalkacyo ma qori yaqaaniin miyaa?. ” Maanta Deyn maya, Berri haa)

  1. Oday Reer Gaalkacyo ahaa oo Guurku ka daahay ayaa Xamar yimid, waxaa lagu daray Gabar Ciyaal Liido aheyd. Duqii 4 Sano ayuu qabay welina wax ma dhalin. Waxa u arkay Qaraabadii oo ku xamanee Duqani waa ma dhaliis, waana dhibsaday arrintaa.

Maalin dambe ayuu Gurigiisa soo aaday wakhti aan looga baran. Waxa uu arkay Wiil yar oo Ciyaalka Xaafadda ah, oo Madaxa kula jiro Islaantii labadeeda Lugood Dhaxdooda. Daddii oo dhan ayuu isagu yeeray, kuna yiri: Maxaan wax dhalnaa, wixii aan Habeenkii ku shubaba, kaa yar ayaa Maalintii ka dhuuqo.( F.S: 4aad)

( War Canshuurta, Dekedda iyo Airporka Mogadishu Maalin kasta lagu soo ururiyo, Magaalsdu Uur ma yeelato, wax cusubna ma dhashee, yaa Habeenkii ka dhuuqo?)

  1. Gabar Reer Gaalkacyo aheyd ayaa waxa ey Jecleyd in looga sheekeeyo, Sheekooyinka Cabsida leh iyo Libaaxyada. Oday ayaa markasta u soo qaato Marduuf Qaad ah oo uga sheekeeyo, Hadda ka hor baan Libaax Isha Farta ka galiyay, marna labada Gacmood ayaan Afka ka galiyay Libaaxii markaa ayaan Caloosha ka soo jiiday.
    Dhalin yaradii Xaafaddu waxa ey waayeen Fursad ey Gabadha kula sheekeeystaan. Mid Dhalinyaraa ayaa u fikiray. Galabtii ayuu soo qaatay Rubac Qaad ah. Waxa uu u bilaabay Sheekadii Libaaxa. waxa uu yiri: Hadda ka hor Aniga oo meel Duur ah kaligeey marayo ayaa Libaaxad Dhidig igu soo baxday, xageeda ayaan aaday, waxaan Furtay Shaatiga Galuusyihiisii, waxa ey aragtay Xabadkeeyga Tinta ku taal iyo Six pack-geyga, sida aad Adiguba hadda ugu jeedo, waan ku sii dhawaaday, qoorta ayaan ka salaaxay, waan ku sii dhawaaday Libaaxadii Xabadka ayaan Xabadka u saaray.

Markuu Halkaa marayo ayaa Duqii iridda soo garaacay. waxa ey ku tiri: war iska noqo Caawa waxaa joogo Raggii Libaaxyada u galmoo jiraye.( F.S: 5aad)

( Madaxda Dalka, Markii hore waxaa la taliyayaal u ahaa odayaal uga sheekeeyo, Beelo dagaalay oo ey heshiisiiyeen, Xaajo 10 Googlood loo galay ee la dhameey waayay. Hadda Madaxda waxaa la Taliyaal u ah Ciyaal Tiktok iyo face Book oo uga sheekeeyo, Sharma Boy iyo Fartuun Balbalaar)

Qore: Yahya Amir