1 min read

Ciidamada Koofur afrika oo Soomaali badan ku xiray magaalada Cape Town.

Dowladda Koofur Afrika oo Ciidamo u geysay magaalada Cape Town ee Gobolka Western cape inay sugaan amniga magaaladaas, ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah dadka ajaanibta ah oo Soomaalidu ku jirto, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalada Cape Town.

Sarkaalka Ciidankaas wata ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay malooko, waxaana ay ciidamada xiligaan ku howlan yihiin dhibaateynta dadka ajaanibta oo ay u geysanayaan dhac, Jirdil iyo xarig intaba.

Ku dhawaad 20 qofood oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa la sheegay inay xireen, iyagoo sidoo kale u geystay jirdil xooggan.

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrka, gaar ahaan kuwa ganacsiga ku leh Magaalada Cape Town ayaa xiligaan wajahayo Amni daro tii ugu xumeyd.