1 min read

Shaqadii Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa oo istaagtay.

Waxa muddo kooban la hakiyey hawlaha Shaqo eeĀ  garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport.

Dhammaan duulimaadyadii ku soo aaddanaa maanta ayaa lagu wargeliyey in ay u weecdaan garoomada kale, waxaana sidoo kale Maanta halkaasi ka Shaqeyneyn Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya Airline.

Diyaaradaha ku jiray duulimaadyada caalamiga ah ee ku degi lahaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ayaa loo weeciyey garoomada kale ee kuyaalla Magaalooyinka kale ee Itoobiya.

Warbixin ay soo saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu sheegay in dhamaan duulimaadyadii maanta ku degi lahaa Addis Ababa aysan Shaqeyneyn ayna dib u dhac ku yimaadeen duullimaadyada Shirkada diyaaradaha Itoobiya.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay ceeryaamo badan oo ku giblan magaalada, taasina ay keentay in dhammaan duulimaadyadii ku soo fool lahaa oo dhan la weeciyo oo madaarka Bole na la xiro.

Shirkada duulimaadyada Dalka (Ethopian airlines ayaa macaamiisheeda ka raali galisay dib u dhaca daduulimaadyada ku yimid ee ka dhashay ceeriyamta ku dadan Caasimada Dalka iyo Garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa

Ugu dambahn Shirkada ayaa macaamiisheeda ugu baaqday in ay wixii warar ka soo cusboonaada la wadaagi doonto.