1 min read

Magaaladii 2-aad oo ka qayladhaamisay tillaabo ay qaadeen kooxda Takfiirku (Daawo)

Culimada magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ka digtey kooxda Takfiirka oo ay sheegeen inay halkaa ku xoogaysanayaan.

Waxay sidoo kale intaa raaciyeen inay haatan mar kale u ololaynayaan inay dib u furtaan masjid uu hadda kahor ka xirey nidaamka Somaliland.

“Inta TV u yeerteen ayaa waxay leeyihiin waa in naloo furaa masjidkan balse 10 masaajid ayaa hareeraha ka xiga e may ku tukadaan?!” Ayuu is waydiiyey sheekh ku hadlayey magaca culumada.

Wuxuu kooxdan ku eedeeyey inay dadka iskaga dhigayaan dad la mid ah firqooyinka kale, balse ay sugayaan inta ay ka xoogaysanayaan ee aanay waxba la wadaagin ama ku darsanin ummadda oo ay gaalo u yaqaannaan, sida uu sheegay wadaadku.

Kooxdan oo aad ugu badan magaalada Qardho ayaa waxaa sidoo kale horay usoo baxayey warar ka yimid Qardho oo ku saabsan inay doonayaan inay gooni u istaagaan, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi.

Halkan ka DAAWO…