Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka oo aqbalay inay is caslilaan.
Madaxweynaha dalka, Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa iyo ra’iisul wasaarahiisa ayaa aqbalay in xilka banneeyaan maalinta Arbacada, taasi oo soo afjareysa qalaalse iyo rabshado sababay in Bannaanbaxayaal carreysan ay gudaha u galaan Madaxtooyadda wadankaasi.
Madaxweyne Rajapaksa, oo 73 jir ah, ayaa dadka ku booriyay inay oggolaadaan in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo, isaga oo qorsheynaya inuu kormeero Xafiiskiisa ka hor inta uusan Xilka ka degin.
Kadib is casilaadii madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka Mahinda Yapa Abeywardena ayaa la filayaa in uu si kumeel gaar ah ula wareego xilka madaxweynaha sida uu qabo dastuurka Sri Lanka.
Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in kulan ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda, si ay uga wada hadlaan soo dhisida dowlad Kumeel Gaar ah.
Dadka reer Sri Lank ayaa doonaya dowlad isbadel muuqda la timaada waxna ka badasha dhaqaale xumada dalkaasi ee sababtay in ay kordhaan qiimaha cunada iyo Shidaalka dalkaasi.