1 min read

Shir ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Bahda Kulmis oo Muqdisho ka dhacay.

Kulan aad u balaaran ayaa maanta u qabsoomay bahda Kulmis gaar ahaan Siyaasiyiinta kulmis qaar kamid ah, kulankaani oo ahaa mid is xog wareeysi ku qotoma howlaha hortabinta leh ee u yaalla bahda kulmis guud ahaan meel walbaaba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka waxaa ka soo qayb gallay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir Gudomiyaha Degmada Waberi Sugal Ali Ayanle & Gudomiyaha Degmada Hilwa Mire Salad Dhuhulow & Gudomiyaha Degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan & Siyaasiyiinta kale iyo qaar kamid ah gudigii doorashooyinka ee xiligoodu dhamaaday Ayaan Abdirahaman & Fardowsa& Tubeec & Ganacsade Ismail Nur Hefaw.

Waxaa lagu dheeraaday oo si qotodheer loo falanqeeyay hormarinta kulmis ka qayb qaadashadda barnaamijyada u dajisay bahda kulmis sidoo kale hore u socodka, isku xirnaanta iyo midnimada kulmis oo aad loo xoojiyo.

Ugu dambeeyn kulmis waxay u mahadcelineysaa garabka siyaasiyiinta oo muujiyay isku xirnaanta dhankoodu, waxaan adkeeneynaa in guud ahaan laamaha kala duwan in iyaguna tusaale u noqdaan oo si lamid ah siyaasiyiinta oo isbadal aad u weyn wadda.