1 min read

Run Miyaa? Ma ogi. No. 509=Weligaa Dowladu ma kaa saqiirtay? =

Cabdulle Maquuste, ayaa yiri:

Weligaa Dowladu makaa saqiirtay?

A. Haweeneey leheyd 9 Caruura, ayaa waxaa ka geeriyootay 8 ka mid ah, oo ka saqiirtay.

Kii Sagaalaad ayaa ka xanuunsaday. Waxaa lagu yiri: Alla ha kuu caafiyo. waxa ey tiri: Aamiin, Laakiin Cunugaan yar waxaa ka muuqdo Calaamado aan ku arki jiray Caruurtii ka horeeysay ee iga geeriyootay.

Laakin kanu weli waa ceeyntaa oo Finan yar yar oo bus bus ah ayaa korkiisa ka soo baxay, iyagaana iskood u dilaaci doono ama waa la daaweey doonaa, inta eynan Gudaha ku faafin.

B. Nin 8 Dowladood ka saqiirtay ayaa Dowladii 9aad waxa uu ku arkay Calaamado yar yar oo ku bilaawday oo u eg kuwii Dowladihii hore ey uga saqiireen. Talana laga weeydiiyay Takhtar aan Takhasus u leheyn Cudurada Caruurta.

Goorba Finanka Cuncunkooda iska xog xogi doontee Dowladdu. Alla ha u yasiro, Dowlad kaa saqiirto ma fiicnee.

FG: Cabdulle ma quuste waxa uu yiri: ((( Xil iyo Xoolaba kama rabee, Dowladaha naga saqiiraayo ayaan ka xumahay))).

U duceeya, Alla ha yasiro, Bilaaw Booga leh ma fiicnee. (waa mihii Caado ka Lug beeli jirtay).

Run Miyaa? ma ogi.

Qore: Yahya Amir