4 mins read

Muxuu Noqon doonaa Mustaqbalka Bankiyada Somalia.

Sida aan la socdo maalintii shalay Dowladda Somalia waxaa aay siisay Ruqsad aay uga shaqeystaan Soomaaliya laba Bank oo Ajaanib ah, kuwaasoo laga leeyahay wadamada Turkiye iyo Masar.
Labada Bank waxaa la kala yiraahdaa, Ziraat Bank iyo Bank of Misr.

  1. Ziraat Bank ( Bankiga |Beeraha).

Waxaa la aasaasay 1863, oo ah 159 sano ka hor, waxaana iska leh 100% dowlada Turkiye,.
2018, Waxaa uu lahaa, 1773, laamood, waxaa uu ka hawlgalaa 18 wadan oo uu ku leeyahay 108 laamood, , dakhligiisa waa 24.554 billion Liire oo ah lacagta Trukiye, waxaa u shaqeeya , 24,647.

  1. Bank of Misr
    Waxaa la aasaasay 1920, oo ah 102 sano ka hor, waxaa iska leh dowlada Masar 100%, waxaa uu leeyahay 590 laamood, dakhligiisa waa 3.383 billion oo lacagta Masar ah, waxaa uu leeyahay 14,500 shaqaale, Bankiga waxaa laamo ku leeyahay wadamada aay ka midka yihiin UAE iyo France.

Bankiyadaan la siiyey Ruqsada waxaa aay in mudo raadinayeen sidii aay ku heli lahaayeen ruqsada aay heleen, waxaana la sheegey in dowladii hore aay aad iyo aad uga war wareegtey ineey siiso Ruqsada. Dhanka kale waxaa la sheegey in Bankiyada Soomaaliyeed, aan talo gelin fiican lagala yeelanin, Ruqsad bixinta Bankiyada Ajnabiga ah, iyo saameynta aay ku yeelan doonto. Go,aanka lagu siiyey Ruqsada waxaa uu u muuqdaa mid siyaasadeed , markaad fiirisid deg degta aay dowlada cusub ku bixisey, iyadoon xitaa weli xukuumadii la dhisin.
Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, oo arintaan ka hadlay waxa uu sheegey, in Bankiyada Ruqsada la siiyey, aay ka shaqeyn doonaan waxa loo yaqaano Corporate Banking, oo ah ineey u shaqeyn doonaan shirkadaha, iyo ururada, waxaana aay qaban doonaan shaqo Banki nooyadeeda kala duwan , sida dirida lacagaha, TT, Deyn bixin, Maalgelin, taasoo ah shaqo weyn oo aay qaban jireen Bankiyada Soomaaliyeed
Bankiyada Soomaaliyeed, waa Bankiyo curdan ah, aan marnaba la tartami Karin Bakiyadaan jirey in ka badan 100 sano, isla markaana aay leeyihiin dowlado heysta dhaqaale ballaaran. Bankiyada Soomaaliyeed waxaa aay ku shaqeeyaan kuna shaqeeynayeen duruufo aad iyo aad u adag, oo ka dhashay deganaansha la,aantii ka jirtey wadanka, waxaana aay dadka Soomaaliyeed siiyaan adeeg Bank, waxaana aay u baahan yihiin in dowlada Soomaaliya aay siiso furas aay ku koraan, taasoo aheyd inaan lagu soo fasaxin Bankiyada Shisheeye ee heysta dhaqaalaha iyo awooda kale ee ballaaran.
Waxaan shaki ku jirin, in arintaan aay saameyn taban ku yeelan doonto Bankiyada iyo Ganacsiga Soomaaliyeed, taasoo ah qeybta kaliya ee ku jirtey gacanta dadka Soomaaliyeed, waayo ganacsiga ayaa ahaa waxa kaliya ee gacanta dadka Soomaaliyeed ku jirey, hadii asigana ka baxo, waxaa dhici doonto in wadankeena dhammaantiis qeybihiisa kala duwan aay Ajaanib la wareegaan, anagan aan noqon doono, muwaadiniin wadankoodi lagu maamulayo.
Dhaqaalaha ugu ballaran ee wadankeena soo gala waa lacagta Xawaalada ee aay soo diraan dadkeena dibada joogo, iyadiina waayadaan waxaa ku socdey dagaal iyo culeys aad u weyn, taasoo gaarsiisey in wadamo badan laga soo diri kari waayo, culeys weyna ku noqotey dadkeena.
Dhanka kale Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa aay ku fashilmeen ineey sameystaan hogaan matala danaha ganacsiga iyo maslaxada guud lana jaanqaadi kara waaqica ku soconay sida xawliga, taa badalkeedana waxaa dhexdooda ka abuuran, is coleysi iyo is riix riix aan xigmad ku dhisneyn, seejiseyna ineey danahooda hormariyaan, waxaana laga yaabaa in ganacsiga yare ee gacanta ugu jiraa aay mar aan dheereyn xil wareejin ugu sameeyaan shirkado shisheeye.
Waxaa la sheegey in dhaqaalaha Soomaaliya 97% uu ku tiirsan yahay, private sector, kaasoo ah Import iyo service, taasoo aay ka dhalatay waxa loo yaqaano (Trade Deficit), oo ah inaad wax doo degsato balse aadan wax dhoofinin, ka waran hadii service-ki yaraana shirkado shisheeye qaataan?
Dhanka kale ganacsatada Soomaaliyeed waxaa aay ku safraan passport wadamo kale, duruufta jirto awgeed oo ah in Somali passport aanay visa ku heleeynin , taana waxaa ka dhashay in faaiidada ganacsi ee is dhaafka ah aay wadamada aay passporadooda wadano u wareegto, waana culeys taagan oo u baahan xal deg deg ah.
Madaxweynaha Soomaaliya , waxaa uu booqdey UAE, hadana waxaa uu booqanayaa Turkiye, labada wadana waxaa naga dhaxeeya xiriir Ganacsi oo muhiim, waana aay habooneyd in la qabto wada tashi ballaaran ka hor booqashada madaxweyne. Nolosheena maanta waxaa aay ku tiirsan tahay private sector, iyo ganacsi, mana filayo inuu jiro wadan aan la leenahay heshiis ganacsi, marka aad iyo aad ayeey muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo danaha caamka ah ee dadkeena , dalkeena, iyo inaan qaabeeyno ganacsigeena iyo matalaadiisa.

Maqaalkii Abdullahi Nur Osman